El Cajon, CA
Home MenuRedistrictr Somali
Sumadda (Tag): El Cajon
Ku soo dhawow aaladda khariidada dadweynaha Bulshada la Daneeyo Dagmada R ee loo adeegsado dib u qeybinta guddiga magaalada El Cajon 2021.
Sida qeyb ka tirsan hawsha dib u qeybinta dagmada, Sharciga CADDAALADDA KHARIIDOOYINKA California (California FAIR MAPS Act) waxaa ka mid ah xaafadaha iyo "Bulshadaha la Daneeyo" ee la siiyo tixgelin muhiim ah. Sharciga California wuxuu Bulshadaha la Daneeyo (Communities of Interest) sida "dadka wadaaga dannaha bulshada ka dhexeeyo ama dhaqaalaha ee loo baahan yahay in lagu darro gudaha hal dagmo, si loo suggo waxqabadkeeda iyo xaqa mattalaaddeeda.
Si Magaalada loo ogeysiiyo wararaka ku saabsan bulshadaada iyo waxa isu keena, waxaad dadka la qeybsataa khariidadaada iyo sheekadaada adiga oo iminka isticmaala aaladdaan.
Si aad khariidadaada ugu soo bandhigtid boggaan, hubso in la buuxiyo sumadda (tag) "ElCajon" kaddib marka aad riixdid "Keydso" ("Save") si aad dadka ula qeybsatid khariidada.
Bilow Xariiqanta Soohinta
Hoos u riix si aad ugu bilowdid khariidada banaan.
Meesha Loogu Talogalay Dadweynaha
Marka khariidooyinka la soo gudbiyo, waxay ka soo bixi doonaan hoos, waxaad riixi kartaa mid kasta oo ka mid ah khariiydooyinka kaddibna waxaad adeegsan kartaa District R si aad u furtid.
Hawsha Socoto
Marka khariidooyinka la soo gudbiyo, waxay ka soo bixi doonaan hoos, waxaad riixi kartaa mid kasta oo ka mid ah khariiydooyinka kaddibna waxaad adeegsan kartaa District R si aad u furtid.
Ku saabsan
Xuduudda Dagmada Magaalada El Cajon waa in dib loo xariiqo soohinteeda 10 sanno kasta, la isticmaalo xogta Tirokoobka Mareykanka (U.S. Census) si tirada dadka afarta dagmo u ahadaan kuwo isla'eg ilaa inta suurtogalka ah iyo in xubin kasta mattalo tiro isla'eg oo ka kooban dadka daggan. Magaalada waxay ku dhiirigelisaa dadka daggan in ay ka qeybgalaan iyadoo u soo jeedisa xaafadaha iyo bulshada khariidooyinka xaafadaha la daneeyo ee loo baahan yahay in aan la qeybinin, iyo khariidada afarta-dagmo buuxdo oo loo soo jeediyo magaalada oo idil.
Qorshahaan khariidada wuxuu soo bandhigaa tirada dadka la saadaaliyay 2020 taasoo ku saleysan xogta Wareysiga Bulshada Mareykanka oo loo qeybiyay blogyada Tirokoobka. Xogta waxaa diyaariyay Shirkadda Daraasaadka Dadyowga Qaranka (National Demographics Corporation) Si aad in badan uga ogaatid kooxdaada, riix halkaan.