El Cajon, CA
Home MenuRedistricting Process Somali
Hawsha Dib u Baddalaadda Soohinta Magaalada El Cajon
Toban sanno kasta, dawladaha hoose waxay isticmaalaan xogta tiro koobka si ay dib u baddalaan soohintaa dagmooyinkooda si ay muujiyaan sida shacabka deegaanka isu baddalay. Sharciga Barlamaanka (Assembly Bill) 849 (2019) wuxuu ka rabaa magaalooyinka in ay dib u xariiqidda dagmooyinka kala shaqeyaan bulshadaha iyagoo dhageysiyo u qabta dadweynaha iyo/ama tababaro iyo xariirin, sida bulshadaha aan ku hadlin Ingiriisi.
Maxaa loola jeedaa dib u baddalidda soohinta dagmada?
Toban sanno kasta, waa in dib loo xariiqo soohinta dagmada si dagmo kasta u yeelato shacab la'eg shacabka dagmooyinka kale Hawshaan, lagu magacaabo dib u baddalaadda soohinta waxay muhiim u tahay hubin kasta oo ka tirsan guddiga mattalo tiro isla mid ah dadka. Marka laga hadlo El Cajon, Guddiga Magaalada wuxuu mas'uul ka yahay jeexidda soohinta dagmooyinka. Dib u baddalaadda soohinta waxaa lagu saleyaa isticmaalka xogta Tirokoobka Mareykanka (U.S. Census), kaasoo la soo saaro agagaarka Maarso 31, 2021. Magaalada El Cajon, waa in la dhamaystiro hawsha dib u baddalaadda soohinta ugu dambayn Abriil, 17, 2022.
Maxay dib u baddalaadda soohinta iigu tahay muhiim?
Dib u baddalaadda soohinta waxay go'aan ka gaartaa xaafadaha iyo bulshadaha leysugu geeyay dagmo ujeedadana tahay doorashada xubin ka tirsan guddiga.
Guddiga Magaalada wuxuu rabaa in fikradao lagu darsado xullashada khariidada dagmada xigta. Waxaad haysataa fursad in aad Guddiga Magaalada la qeybsatid sida aad u malleysid in loo baddalo xuduudda dagmada si ay u muujiyaan sida wanaagsan ay u mattalaan bulshadaada.
Waxaad Magaalada kala xariiri kartaa redistricting@elcajon.gov si aad in badan uga ogaatid sida hawsha u socoto.
Maxay u eg yahiin dagmooyinka guddiga iminka jira?
Waxaad halkaan ka heli kartaa khariidada dagmooyinka guddiga Magaalada iminka jira: www.cityofelcajon.us/DistrictMap
Maxay adeegsan doonaan Guddigena Magaalada marka ay jeexeyaan sawirka soohinta dagmada?
Ilaa inta ay suurtogal noqon karto, waxaa la isticmaali doonaa habka soo socdo ilaa laga dhaqan geliyo soohinta dagmada: (1) dagmooyin joqraafi ahaan xariira (dagmo kasta oo ka tirsan mgaalada waa in ay xuduud la wadaagto midda ku xigta, (2) joqraafiyada xuduudaha deegaanka ama bulshadaha waa in loo ilaaliyo hab yareeya qeybinta, (3) joqraafiyada magaalada waa in la ilaaliyo hab yareeya qeybinteeda, (4) xuduudo si fudud loo aqoonsan karo oo raaca waxyaabaha dabiiciga ama la sameyay ee ku dadban (wubiyada, jidadka waaweyn, wadooyinka treenka, iwm.), iyo (5) xuduudda waa in loo sameeyo si loo dhiirigeliyo isu tagga joqraafiyada. Taa kaddib, lama baddali doono soohinta si loogu eexdo ama si loo takooro xisbi siyaasi.
Sidee ayuu Guddiga Magaalada u ogeysiin doonaa dadweynaha arrinta ku saabsan dib u baddalaadda soohinta?
Guddiga Magaalada wuxuu la xariiri doonaa miidiyaha deegaanka si ay u baahiyaan hawsha dib u baddalaadda soohinta. Sidoo kale waxaan ku dadaali doonaa in aan kooxaha bulshada ogysiino dhowr nooc oo ku saabsan hawsha dib u baddalaadda soohinta dagmada. Dhageysiyadena dadweynaha waxaa lagu bixin doonaa luqado lagu dhaqmi karo haddii dagganeyaasha ay horay u soo gudbiyaan codsi. Guddiga Magaalada waxay dadweynaha ogeysiin doontaa dhageysiyada dib u baddalaadda soohinta, waxay internetka soo gelin doontaa khariidooyinka ka hor inta aan la dhaqan gelinin, iyo waxay samayn doontaa bog u xil saaran dhamaan macluumaadka ku saabsan hawsha dib u baddalaadda soohinta dagmada.
Sidee ayaan ugu lug yeelan karaa?
Guddiga Magaalada wuxuu qaban doonaa dhageysiyo si ay u hesho fikradaha dadweynaha ka qabaan meesha loo baahan yahay in la marsiiyo xuduudda dagmada. Dhageysiyadaas waxaa la qaban doonaa:
- Arbaco, Luulyo 14, 6:30 p.m. Xarunta Nasashada Hillside (Hillside Recreation Center) 840 Buena Terrace El Cajon, CA 92020
- Arbaco, Sateembar 8, 6:30 pm. Xarunta Nasashada Renette (Renette Recreation Center) 935 South Emerald Avenue El Cajon, CA 92020
- Qamiis, Nofeembar 4, 7:00 p.m. Xarunta Nasashada Kennedy (Kennedy Recreation Center) 1675 E. Madison Ave. El Cajon, 92020
- Sabti, Janaayo 22, 2022, 10:30 a.m. Dugsiga Sare El Cajon 1035 East Madison Ave. El Cajon, CA 92020
Waxaad kaloo soo gudbin kartaa faalada dadweynaha, sida kharidooyinka la soo jeediyo, adigoo email ugu soo dira: redistricting@elcajon.gov
Xaggee ayaan ka heli karaa dheeraad?
Magaalada waxay internetka ku leedahay bog ka hadla dib u baddalaadda soohinta oo laga helo halkaan www.cityofelcajon.us/redistricting: